Qudbo siradu maxay diintu kaqabtaa mabanaan tahay mise mabanaano?
Qudbo siradu waxaa loola jeedaa nikaax laqariyay oo dadaka intoo da badan eeynan ogayn. Nikaaxa sharciga markii lafiirinaayo nikaax saxiix iyo mid faasid labada un ba loofiiriyaa. nikaax saxiix waa midkii sharuudiisa lakamilay oo sharuudiisa waxay ku kaamil noqon kartaa wali iyo labo marqaati ninkii wax guursanaayay iyo gabadha laguursanayo iyo hadalkii. Gabadha laguurinaayo waligeeda waa inuu goob joog yahay. waliguna labo midkood ayuu noqdaa mid qaas ah iyo mid caam ah gabadha waligeeda qaaska ahna waa aabaheed hadii lawayana awawgeed hadii lawaayana walaalkeed hadii lawayana adeerkeed hadii uu waligii lajoogo oo meesha lagu nikaaxinaayo uu joogo masuu roobayso ilaa in waligii lahelo moo yaane hadii uu joogin waa in idin iyo wakaalo laga helaa. hadii wali dhan lawaayana suldaankeedu waa garsooraha ama qaadiga mid kaasoo ah waliga caamka ah ay gabadha wakiilanayso ama ay ka xaakim yeelato ayuu wax ku mehrinayaa ama waligii oo fog oo meesha aan joogin oo idin kahaaysto oo loowakiishay.
Xaaskaaga aydoo u joogo dhiiga caadada inaad jamaac lasamaysid madanbi ba?
Guurka waa sunno hadana sidaas ay tahay guurka waxaa loo sameeyay qawaaniin. mararka qaar uu ninka xaaskiisa u tagi karin jamaaca waa labo mar marka koowaad waa marka uu ujoogo dhiiga caadada marka labaadna waa markii uu u joogo dhiiga dhalmada waa xayd iyo nifaas taasina waa ijmaac bayn ahlul cilmi. laakiin waxii ijmaaca ka sooharo waa ay samayn karaan sida inuu habsiiyo inuu shumiyo Iwm laakiin hadii ay sameeyaan ijmaaca ayadana ay ogeed asigana uu ogaa laba dooduba waa danbiilayaal waxa ay ubaahan yihiin in ilaahay ay utoobad keenaan. waxaa jiro xadiith laga Wariyay ibnu cabaas rc hadii uu ninka u tago xaaskiisa oo uu la ijmaaco xaydka oo bilaaw ah waxaa lagara baa diinaar dahab ah hadii ay tahy xaydka oo dhamaad Ahna waxaa laga rabaa nus diinaar dahab ah.
Gabadhu marka ay qoongaysato yaa laga rabaa tolkeedii mise ninkeedii?
Hada ka hor Waxaa lookeenay NABIGA SCW Labo dumar ah oo nin wada qabay oo is laayay. Markasa mid ayaa intey dhagax qaadatay midii kale Kaga dhufatay caloosha. midii lagu dhuftay Caloosha Waxa ay lahayd ama ay sidday uur markaas ayaa midii uurka sidday uurkiina waa kasoo dhacay ayadiina waa ay dhimatay. markaa suu NABIGU SCW ku yiri gabadhii wax geesatay tolkeedii ku yiri ilmaha soo dhacay iyo gabadha dhimatay ba magteedii bixiya laakiin NABIGU SCW ma oranin ninkii qabay gabadha waxbaa laguugu leeyahay bixi.