Waxaa halkaan ugu Bagan doontaa sababo badan oo laxariira koobka aduunka.
Koobka aduunka oo ka samaysan dahab ayaa ah koobka ugu qaalisan koobabaka . Koobkan xulkii kuguulaystaa waa uu ku dabaaldaga kabibna waalaga qaadaa ayadoo loogu badalaayo koob lamida oo aan dahab ahayn . Bilaawgii hore ee koobka aduunka ayaa ahaa qorsho ah in laciyaaro 4 sanno halmar oo kaliya oo dal gaara marti galiyo . Xulkii ku guulaysta koobkan ayana qaadan jiray waxa uuna haysan jiray 4 sanno ilaa laga gaaro ciyaaraha koobka aduunka ee xiga asigoo ku wareejin jiray xulkii marka guulaysta. Waxuuna qorshuhu ahaa in xulkii kuguulaystaa koobkan 3 jeer uu Gabi ahaanba qaadan jiray. markaas kadib ayaa la hindisi jiray koob kale oo cusub oo aan kii hore u ekeyn. Laakiin intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka ciyaarahaan ayaa hakad galay labo xili oo is xigay waxaana xiligaan koobka haystay dalka taliyaaniga. Sanadkii 1966 boqortooyadii ingiriiska ayaa marti galinaysay waxa ayna damceen inta uu bilaawan koobka in ay suuqgayn balaaran u sameeyaan waxa ayna dhigayn mid kamida madxafyada London si loo soo daawasho tago si aan looxadin waxa ay u sameeyeen ilaalo adag oo ka koobna 2 askari oo ilaalinayay 24 saacadood iyo labo dharcad ah oo korka ilaaloso laakiin ilaaladan waxba masoo kordhin oo waala xaday koobkii ingiriiska ayaana fadeexad kala kulmay arintaan waxa ayna ka aamuseen saxaafadii oo waxna uma sheegin kahor intuusan si kadis ah qof rayid oo aygiisa ku dhex wata beeraha ay dadwaynuhu ku nastaan uusan helin koobkii oo hoosyaalay koraaastii meesha taalay mid kamida markiiba waxa uu wargaliyay booliiska London ayugana marka ay xaqiijiyeen koobkii ay raadinayeen ku wareejiyeen viva xulka Brazil ayaa awood u yeeshay inuu ku guulaysto 3 jeer oo Kala ahayd 1958 iyo 1962 iyo 1972 waxayna sidaas ku buuxiyeen sharuudii 3 jeer xulkii kuguulaystaa inuu qaadanayo koobka badalkiisana mid cusub lasamaynayo laakiin waa dhacday in 13 sanno kadib ladamcay in laga soosaaro meeshii uu kujiray koobkaan oo ahayd xiriirka kubadda cagta ee Brazil markii latagay qasnadii waxaa loogu tagay iyadoon wax koob ah ku jirin koobkiina laxaday ilaa maantana gacan lagu haynin. Kadib xiriirka viva ayaa aya goaansatay naqshad cusub waxayna shaacisay tartan oo ufuran dhamaan naqshad dajiyaasha oo ka kala socday 7 dal waxayna aheen 53 naqshadeeye waxaana ku guuleystay naqshadaeeye taliyaani ah oo hindisay midka maanta jira oo culayskisu yahay 6kg. Qorshihii ahaa xulkii kuguulaysta oo lajoojiyay badalkeeduna laga dhigay in koobka lasiiyo marka ay ciyaarta dhamaato kadibna laga qaado oo loogu badalo koob aan asal ahayn.