Waa kuma ashraf hakimi ee wacdaraha kadhigay koobkii aduunka?
Ashraf hakimi waxa uu ku dhashay caasimada dalka Spain ee madrid sanadkii 1998. aabihii iyo hooyadii ayaa kasoo jeeda dalka Morocco waxayna usoo hayaameen 80 tameyadii dalkaas si ay nolol ugu bilaawdaan si ay halkaas nolol ugu bilaawdaan. hooyadiis oo la dhaho saciido nuux ayaa ka shaqayn jirtay nadiifinta guryaha halka aabihiis hassan hakimi oo wadooyinka wax ku iibin jiray labadiisa waalid ayaa ka shaqayn jiray noloshaan Adag si ay ashraf iyo walaalihiis ugu helaan nolol maalmeedkooda ayagoona kusoo koriyay daruuf aad u adag . Ashraf ayaana ku faana in waalidkiis ay ku soo koriyeen nolol adag oona sheega heerka maanta uu gaarsii sanyahay in ay ayaga kadanbeyeen ashraf hakimi ayaa ahaa yaraan tiisii ilmo aad u fir fircoon oo aad u orod badan . Ashraf mana jecleen waxbarashada inkastoo waalidkiis ey jeclaayeen in uu waxbarto laakiin ugu danbeyn waxa ay go aansadeen In waxa uu ku fiicanyahay eeku garab istaagaan ashraf ayaa jeclaa ciyaaro aad u klala duwan asigoona bilaawgii jeclaa dabaasha waxuuna u wareegay ciirta fudud kahor intuusan u wareegin ciayaarta orodka kadib ayaa waxa uu ogaaday ciyaarta uu aadka u jecel yahay uuna orodka ka gaari karo ey tahay banooniga . Bilowgisii kubadda cagta ayaa soo bilaawday markii uu jirsaday 7 sanno asigoona ka ciyaari jiray naadi xaafadayd kadibna waxuuna waxuu ku biiray akademiyada la yirahdo lafabrika ee hoostagto naadiga real Madrid waxuuna ku jiray muddo 9 sanno ah ilaa uu 2016 dii uu kamid noqday kaydka real Madrid. Zinedine zidane ayaa 2017 si rasmi ah ugu soo daray shaxdisii qaxa uuna ku badalay karvajal taasi oo xakiimi u noqotay fursad uu kusoo bandhigi karo xirfadiisa. Ashraf kuma uusan sii raagin real Madrid sanadii 2018 ayuuna kubiiray Dortmund waxuuna u saxiixay 2 sanno oo heshiis ah . Sanadkii 2020 ki bishi July waxa uu heshiis cusub oo 5 sanno ah lasaxiixday naadiga inter Milan Kuna kacayaya qiimo gaarayo 45 euro. Kadbina waa u ka tagay nadidigii oo waxa uu ku biiray naadiga psg oo uu ugu waareegay 70m waxa uuna sidaas ku noqday ciyaariyahanka carbeed ee ugu qaalisan kubadda cagta . Ashraf ayaa u saftay xulkiisa markii uu jiray 17 sanno kana qayb galay koobkii aduunka 2018 ee ruushka ka qabsomay iyo koobkii africa iyo koobkii aduunka 2022 ee qadar. Ashraf ayaa haysta dhalashada wadamada Spain iyo Morocco ashraf ayana sheegay in guulaha uu gaaro unisbeeyay ilaahey kasokoow 2diisa waalid.