Dalkii somalia dhabarka ka jabiyay 1977 kii dalka Cuba
Cuba waa dalka ugu weyn ee dhaca jasiiiradaha Deegan juqraafiyeedka loo yaqaan kaareebiyanka waxa uu kayaala halka ay ku kulmaaan badda kaareebiyaanka gacanka Mexico badda antalantic ka hor inta uu soo gaarin sahmiyihii la oran jiray kiristover kolomboos waxaa dhulkaan ku noolaa hondida Cas markii xogtii gaartay boqortooyadii Spain waxa ay ku sooqaaday dagaal ay kula wareegtay jasiiradaha Cuba gumaeestaha Spain ayaa dajiyay qorshe dhulkaan loogu beeraayo sonkorta iyo tubaakada kadibna looga dhoofinaayo suuqyada yurub marka ay bilaaabeen in ay gacanta ku dhigaan Cuba waxa ay bilaaabeen in ay dad kasoo iibsafaan Africa kuwaas oo beeraha lagu falo waana halka ay kabilaabatay asalka dadaka madow oona maanta ku nool dalakaan waqtiyadii u dhaxeeyay qarnigii 15 ilaa qarnigii 19 tobnaad waxay aheyd maxmiyad hoos tagto Spain ilaa laga soo gaaro dhamaadkii qarnigii 19 tobnaad markii Spain ay u adkeenso wayday kacdoonadii shacabka ee lagu diidanaa joogistayda ugu danbeena waxa ay Spain kaguurtay 1898 Cuba markuu meesha ka baxay xukunka Spain waxaa xoog ku qabsaday wadanka mareekanka waxa uu doonaayay dhulkaan beerashada ku wanaagsan in uu gacan kale ku dhicin waxuu cuba ka dhisay dowlad maamul hoose ah oo mareekanka hoos tagto waxuuna qorshuhu ahaa in ay cuba ka mid noqoto gobolada mareekanka shacabka Cuba oo muddo dagaal kula jiray Spain ayaa diiday gumaysi hor leh waxa eeyna dagaalkaan Kala hortageen afar sano oo kacdoono ah mareekanka ayaa cuba Dib uga laabtay sidaas sanadkii 1902 ayaana cuba ku noqotay dal madax banaan taariikhda casriga ah ee cuba waxaana ugu wayn af gambigii ka dhacay sanadkii 1959 koox dhalin yaro ah oo xambaarsan afkaarta shuuciyetka taageero buuxana ka helaayay suufiyeetka afgambi kula wareegay xukunka dalakaasi kooxdaan waxaa hogaaminaayay ifiidal kaastalo oo kamid ahaa siyaasi yintii ugu hadalka adkaa intii uu socday dagaalkii qaboobaa waxa uu ahaa saaxiibkii suu fiyeetka waxa uuna ahaa falaar wadnaha ka taagana mareekanka kaastalo waxa uu cuba xukumaayay 52 sano sida ay qortay3shabakada ABC cadaawada dhax Martay cuba iyo mareekanka kaastalo ayaa kabad baaday 600 oo isku day dila ah oo ay soo abaa bushay mareekanka kaastalo oo saaxiib dacad u ahaa suufiyeetka sanadkii 1962 ayaa u ogolaafay in ay madaafic ku xirtaan cuba si loogu weeraro marekanka hadii uu dagaal dhax maro suufiyeetka iyo mareekanka cuba waxay safka hore kaga jirtay dagaalo afgambiyo iyo shirqoolo kale . Intii uu socday dagaalkii qaboobaa suufiyeetka ayaa dhaqaale ahaan ka taageerayay cuba si ay saameen ugu yelan xayiraadihii marekanka uu saaraayay inta badan miisaaniyada dalkaan waxa ay ka imaan jirtay cawimaada suufiyeetka. waxay cuba ka noqotay afgambiyo kooxo shuuciyiin ah talada dalal badan kula wareegeen waxay ay ku taageertay dalalka Angola Mozambique iyo cheni sidoo kale waxa ay taageero siin jirtay dadkii madowga ahaa ee kasooo horjeedya xukunkii midab takoorka ku dhisnaa ee ka jiray South Africa. Dagaalkii 10977 dhaxmaray somalia iyo Ethiopia cuba oo ku socota amarka soofiyeetka ayaa 16 kun oo Ascari ku taageertay Ethiopia waxayna cidankasi dhabar jabin ku sameeyeen cidankii xooga dalaka oo waqtigaasi oo guulo waaweyn ka sameenaayay dagaalka . Diyaaradii suufiyeetka ayaa ciidanki cuba ku dajiyay dhabarka jigjiga si ay duulaan dhabarjabin uga sameeyaan ciidanki xooga . Sidoo kale waxa ay cidanki cuba duqaymo u geeysteen shacab somali ah . Markii uu burburay midowgii soo fiyeetka waxaa burbur xoogan soo gaaray dhaqaalihii cuba oo markii jore ku tiirsaneed soofiyeetka.